Sunday, August 25, 2019
Wednesday, August 7, 2019
Maxaad kala socotaa guriga adduunka ugu wayn ee wada dhalada ah?
Waxaa magaalada London dib looga furayaa dhismaha "Temperate House "oo ah guriga ugu wayn adduunka ee dhalo ka samaysan, ka dib markii dayactir lagu samaynayay muddo shan sano ah.
Waa markii ugu horreysay taarikhda ee wax laga badelo dhismahan oo la casriyeeyo.
Waxaa dhismahan loo isticmaalay 5,000 litir oo rinji ah taasi oo ku fillan in lagu rinjiyeeyo afar garoon,waxaa sidoo kale la badelay 15,000 oo dhalo.
Dhismahaan ayaa lagu wadaa in dib loo furo sabtida 5ta bisha May.
Dhismahaan cagaarka ah ayaa hadda waxaa ku abuurran 10,000 oo geed ,iyadoo heerkulka iyo cimilada dunida ay geedahan wax badan ka badellaan.
Qaar ka mid ah noocyada geedaha ku abuuran xaruntan ayaa ah kuwa aad dunida ugu yar sida Encephalartos woodii.
Geedka Encephalartos woodii ayaa loogu magacdaray "geedka adduunka ugu kalisan" maxaa yeelay waxaa kaliye ee soo haray waa labka,iyadoo geedkan oo ka dhammaaday adduunka dib loo abuuray bartamihii garnigii 19 aad.
Scott Taylor, oo ku taqasusay arrimaha geedaha ayaa hadda maareyaa isbadelka heerkulka ee dhismahaan ,wuxuuna sheegay in weli ay baadigoob loogu jira sidii loo helli lahaa dhidigga geedka Encephalartos waxaa uu sidoo kale ku adgaystay inay muhiim tahay in la hello qaar ka mid ah geeedaha adduunka ugu tirade yar.
"Waxaa naga saaran musuul dhammanteen inan ku dadaallo sidii aan arrintan ku wadi lahayn" ayuu yiri Mr Taylor,
Dhismaha Heerkulka
Lacagta lagu dayactiray dhismahan ayaa gaareysa ilaa 41 milyan oo bound.
- Waxaa dhismahan laga saaray 69,000 oo ka mid ah alaabihii horay loogu dhisay.
- 15000 oo dhalo ayaa la badallay
- 180 kun oo muraayadood ayaa la isticmaalay.
- 5,280 litir oo rinji ah ayaa loo isticmaalay dhismahaan.
- 400 oo shaqaale ayaa ka howlgalay mashruucaan.
Wareysi ay BBCda la yeelatay weriyaha arrimaha deegaanka Sir David Attenborough ayaa sheegay in markii ugu horreysay oo uu booqday Beerta Kew "mar aysan qiimo badan lahayn"
"Markii aan billaabay shaqada BBC ,marka ay shaqada igubadato oo aan niyad jabsannahay,waxaan soo booqan jiray xaruntan"
"Maxaa yeelay geedaha xaruntan ka baxa ayaa ah kuwa aad ugu tiro yar adduunka" ayuu ku daray David.
waa maxay farsamada ugubi (technology)
Waxaa ku bilaabayaa magaca Eebbe…
Marka laga yimaado abuuritaanka Eebe (kor ahaaye) uu aadamigeena u abuuray, haddana sidaas inoo kama harine waxaa uu ina ku galaday nicmooyin farabadan oo ujeedkoodu yahay in loogu mahad-celiyo looga na faaiidaysto sida ay yihiin.
Qoraalkan waxaan doonayaa bal inaan yara dul istaagno waxa farsamada ugub layidhaahdo, siday ahayd inaynu uga faa’iideysano iyo qaababka ay maanta dadkeenu u isticmaalaan gaar ahaan dhalinyarada wakhti xaadirkan nool inaga oo is-weydiinayna su’aalahan hoos ku qoran ka bacdina waxaynu isku dayi doona Idanka Eebbe haddii wakhtigu inoo saamaxo inaynu mid mid isku dul istaagno.
Farsamada ugubi maxay tahay ?
Dhalinyaradu sidii loo baahnaa farsamada ugub (technology-yada) ma uga
faa’iideysteen ?
Farsamada ugubi faa’iidooyin maleedahay maxaase kamid ah?
Haddii aan su’aalahan mid mid u dul istaago iskuna dayo inaan ka jawaabo, aan u imaado su’aasha koobaad. Farsamada ugub waa shayga kaliya ee maanta caalam-ku ku kala tagay, xisaabtana ku darsoo qolada technology-yada ka faa’iideystay waxay isku magacaabeen wadamada horumaray ( Developed countries ), halka wadamada xaga technolog-yada ku soo xigana ay ku magacaabeen wadamada soo koraaya (Developing countries), wadamada qaarada Africa ugu horeeyeyso oo ay weheliyaan qaar kamid ah qaarada AMERICA-na waxay ku magacaabeen dunida saddexaad (Third world) sababtoo ah wax tadawur ah kamay samayn xagga farsamada ugub, wax horumar ahna kamay gaarin.
Erayga technology wuxuu ka yimid labo kalmadood oo giriig ah oo laysku geeyey
kuwaas oo kala ah TECHNE oo ah xirfad (skill) iyo LOGIA micnaheedu yahay
Xeelado laysku geeyey (Collection of Techniques)
FARSAMADA UGUB(Technology-yada)
Sidaas awgeed, Farsamada ugubi waa isku darka xirfad iyo xeelad iyadoo la isticmaalayo habab badan si loo soo saaro badeeco iyo adeegyo waxtar leh.
Faa’iidooyinka farsamada ugub
Marka laga hadlayo farsamada ugub maanta jirta caalamka waxaa aynu kawada dharagsanahay in ay leedahay faa’iidooyin badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin asi hadaynu qayb kamid ah kasoo qaadano waxaan kamid ah:
I. Moobilku (mobile).
waxaa uu kamid yahay farsamada ugub aanu isticmaalno ee aadka u cajiibka ah sababta oo ah waxaa uu awood kuu siinayaa adoo jooga gurigaaga inaad wax ka
dalbankarto masaafo aad u dheer.
II. Maskax-jilaha (Computer-ka).
Maskax-jiluhu waxaa uu kamid yahay aaladaha aadka loo isticmaalo sabankaan kaas oo ay dadku uga faa’iidaystaa waxyaalo aad u farabada sida:
1.Inwaxlaguqorto 2.Inwaxlaguakhristo 3. In wax lagu kaydsado 4. In dadka wax lagu baro 5.Inwaxlagudirsado 6.Inwax laguxisaabiyo Iyo in kale oo badan, hadaba inagoo kaduulayna qodobadaas sida:
Qodobka kaydsashadda:
Haddaynu xoogaa dib u milicsano 70-kii sano ee lasoo dhaafay dadkii wax qorijiray waxna kaydsanjiray waxaa ay isticmaalijireen gacmahooda iyaga oo haday tusaale ahaan qoraan 100 kitaab kafekeri jiray tolow xagee baad dhigan doontaa ama ku kaydsandoontaa ayaa marka aynu u nimaano dadka xiligaan wax qoraa ay in badan sidaas ka duwanyihiin waayo waxaa ay isticmaalayaa maskax-jile. Kaas oo weli ay awood u leeyihiin in ay ku qaataan maktabado dhamaystiran oo muggoodu aad u wayn yahay iyagoo ay hadaba u fududahay in ay u qaadankaraan meel kasta halkii ay maktabada gurigooda u taalay ay ka harayso taasina waa mid u baahan in laga faa’iidaysto .
Lasoco qaybta 2-aad
W/Q : Mohamed Abdirizak Ismail (cilmiqarandoon)
igala soco social media click here
Subscribe to:
Posts (Atom)
Featured Post
Sida loo helo internet wifi bilaash magaaladaada ama hareerahaaga
Free wifi Map download here
Popular Posts
-
Waxaa magaalada London dib looga furayaa dhismaha "Temperate House "oo ah guriga ugu wayn adduunka ee dhalo ka samaysan, ka dib ...