Waxaa ku bilaabayaa magaca Eebbe…
Marka laga yimaado abuuritaanka Eebe (kor ahaaye) uu aadamigeena u abuuray, haddana sidaas inoo kama harine waxaa uu ina ku galaday nicmooyin farabadan oo ujeedkoodu yahay in loogu mahad-celiyo looga na faaiidaysto sida ay yihiin.
Qoraalkan waxaan doonayaa bal inaan yara dul istaagno waxa farsamada ugub layidhaahdo, siday ahayd inaynu uga faa’iideysano iyo qaababka ay maanta dadkeenu u isticmaalaan gaar ahaan dhalinyarada wakhti xaadirkan nool inaga oo is-weydiinayna su’aalahan hoos ku qoran ka bacdina waxaynu isku dayi doona Idanka Eebbe haddii wakhtigu inoo saamaxo inaynu mid mid isku dul istaagno.
Farsamada ugubi maxay tahay ?
Dhalinyaradu sidii loo baahnaa farsamada ugub (technology-yada) ma uga
faa’iideysteen ?
Farsamada ugubi faa’iidooyin maleedahay maxaase kamid ah?
Haddii aan su’aalahan mid mid u dul istaago iskuna dayo inaan ka jawaabo, aan u imaado su’aasha koobaad. Farsamada ugub waa shayga kaliya ee maanta caalam-ku ku kala tagay, xisaabtana ku darsoo qolada technology-yada ka faa’iideystay waxay isku magacaabeen wadamada horumaray ( Developed countries ), halka wadamada xaga technolog-yada ku soo xigana ay ku magacaabeen wadamada soo koraaya (Developing countries), wadamada qaarada Africa ugu horeeyeyso oo ay weheliyaan qaar kamid ah qaarada AMERICA-na waxay ku magacaabeen dunida saddexaad (Third world) sababtoo ah wax tadawur ah kamay samayn xagga farsamada ugub, wax horumar ahna kamay gaarin.
Erayga technology wuxuu ka yimid labo kalmadood oo giriig ah oo laysku geeyey
kuwaas oo kala ah TECHNE oo ah xirfad (skill) iyo LOGIA micnaheedu yahay
Xeelado laysku geeyey (Collection of Techniques)
FARSAMADA UGUB(Technology-yada)
Sidaas awgeed, Farsamada ugubi waa isku darka xirfad iyo xeelad iyadoo la isticmaalayo habab badan si loo soo saaro badeeco iyo adeegyo waxtar leh.
Faa’iidooyinka farsamada ugub
Marka laga hadlayo farsamada ugub maanta jirta caalamka waxaa aynu kawada dharagsanahay in ay leedahay faa’iidooyin badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin asi hadaynu qayb kamid ah kasoo qaadano waxaan kamid ah:
I. Moobilku (mobile).
waxaa uu kamid yahay farsamada ugub aanu isticmaalno ee aadka u cajiibka ah sababta oo ah waxaa uu awood kuu siinayaa adoo jooga gurigaaga inaad wax ka
dalbankarto masaafo aad u dheer.
II. Maskax-jilaha (Computer-ka).
Maskax-jiluhu waxaa uu kamid yahay aaladaha aadka loo isticmaalo sabankaan kaas oo ay dadku uga faa’iidaystaa waxyaalo aad u farabada sida:
1.Inwaxlaguqorto 2.Inwaxlaguakhristo 3. In wax lagu kaydsado 4. In dadka wax lagu baro 5.Inwaxlagudirsado 6.Inwax laguxisaabiyo Iyo in kale oo badan, hadaba inagoo kaduulayna qodobadaas sida:
Qodobka kaydsashadda:
Haddaynu xoogaa dib u milicsano 70-kii sano ee lasoo dhaafay dadkii wax qorijiray waxna kaydsanjiray waxaa ay isticmaalijireen gacmahooda iyaga oo haday tusaale ahaan qoraan 100 kitaab kafekeri jiray tolow xagee baad dhigan doontaa ama ku kaydsandoontaa ayaa marka aynu u nimaano dadka xiligaan wax qoraa ay in badan sidaas ka duwanyihiin waayo waxaa ay isticmaalayaa maskax-jile. Kaas oo weli ay awood u leeyihiin in ay ku qaataan maktabado dhamaystiran oo muggoodu aad u wayn yahay iyagoo ay hadaba u fududahay in ay u qaadankaraan meel kasta halkii ay maktabada gurigooda u taalay ay ka harayso taasina waa mid u baahan in laga faa’iidaysto .
Lasoco qaybta 2-aad
W/Q : Mohamed Abdirizak Ismail (cilmiqarandoon)
igala soco social media click here
masha allah qormo xiiso leh
ReplyDelete